Isticmaalka internetka ee Soomaaliya waa mid aad u sii kordhaya waqti xadirkaan oo aad ka dareemayso suuqyada Soomaaliya. Dadka Soomaaliya ku nool inta badan hada internetka waa ay isticmalaan iyaga oo u adeegsada qabab kala duwan, sida in ay familygoda kala xiriiran ama research ay ku sameyan xiliyada ay jaamacadda dhiganaya iyo in yar oo bulshada ka mid ah oo ayaguna u isticmaala ganacsiga. Inta badan dadka Soomaaliya waxa ay ku noolyihiin nolol hoosaysa, iibka internetka waa adeeg dadka dabaqada dhexe ku habboon, sidaasi darteed caqabada ama dhibka haysata suuqan ma ahan mid Soomaaliya oo kaliya ku kooban.