Inkastoo aanay jirin hab dawladeed sax ah oo si fiican u shaqaynaya,hadana soomaaliya waxay joogtaysay dhaqaalaha aan rasmiga ahayn ee kasoo gelaya xoolaha nool,lacagaha xawaaladaha,isgaadhsiinta. Soomaaliya malaha awood ay ku ururiso dakhliga wadanka iyo daynta dibada taas oo lagu qiyaasay 77% inay ka tahay dhaqaalaha wadanka sanadkii 2017 Beeruhu waa qaybta ugu muhiimsan iyo xoolaha nool oo ah 40% dhaqaalaha wadanka iyo in ka badan 50% oo laga helo dhoofintooda.Reer miyiga iyo dadka xoolo dhaqatada ah ee noloshoodu ku xidhantahay xoolaha nool,waxay sameeyaan ama bulshada ka yihiin qayb wayn.