Mas'uulnimada 9

Sifooyinka qofka mas’uul nimada ku dhereeya

Hordhac

Markii aad arakto ereyga “Mas’uulnimda” – wuxuu qofka ku fikireyya in qofka mas’uulnimada la yimaado uu yahay qof waxbartay ama shahaado jamaceed watto. Laakin se sidaa run ma ahan. Maxa yeeley – qof kasto aya laga rabaa in uu layi maado sifooyinka qofka ma’uulka ah. In kasto qofka dhib ku yahay in uu mas’uul noqdo habeen iyo maalin – laakin se wa in u tababar is siiyaa sifooyinkaa siduu ku dheree lahaa.

Warka wacan wax weyye bin’aadanka wax kasto wuu baran kara. Maadada ‘Psychology’ wexe aaminsanyihiin wax la dhaho ‘Conditioning’ – oo loola jeedo micnaha bin’aadanka wax kasto wu awooda in shay kasto oo barto haduu isku taxluujiyo. Mark qoraalkaan waxaan ka hadli doona 10 sifooyin oo u khuseesa qofka mas’uulka ah

Sifada 1aad: Qofka mas’uulka ah mala yimaado cudurdaar

Qofka mas’uulka ah qorshadiisa kama baxo. Haduu wax qorsheeyo ama oo yeesho ‘plan’ – wax kasto oo awoodisa ah ayuu fuliya sida arintaa ku guuleeesto. Hadii doneyyaan in aroorti toosaan – wey sameeyaan. Hadii oo doneyyaan in lacag meel dhigtaa – wey la imaadaan arintaan. Iyo mida ugu weeyn – haddii awoodin in wax ama howl qabtaa – we qirtaan oo micnaha wey dhehaan howshaan maqaban karno. Bin’aadanka waxaa ugu fiican in uu ahaado qof daacad ah oo cudur daar la’imaanin.

Sifada 2aad: Noloshooda ayee nidaam uyelaan

Dedka mas’uulka ah oo dunida dhan ku nool wexe isticmalaan nidaam sida noloshooda u qorsheyaan. Howl kasto ee qabtaan wu u nidameesanyahay. Wax kasto waqti aye ku sameyaan. Hadafyo aye yeeshtaan.

Sifada 3aad: Meel kama daahaan

Qofka mas’uulka ah meel kama daaho. Haddii aad rabto dedka kale in ee ku arkaan qof mas’uul in aad tahay – meel ha ka daahin; balanta ne ha jibinin. Maxa yeeley haddii meel ka daahdo – dedka kale waqtigood aya ka dhumineysaa iyo dedka dhinacood qiimo kama yeeshaneysid.

Sifada 4aad: Xumatadood lama arko

Qofka mas’uulka ah xanaqiis (ama marku caroodo) wu mamuleyya ee micnaha dedka ma tuso. Qofka mas’uulka ah wu isdejiyaa; xanaagiisa ama maseer nimadiisa lama dareemo.

Sifada 5aad: Ma cabaad badno

Qofka mas’uulka ah ma cabaado (complain). Micnaha qofka haduu cabaad badan yahay – meel magareyo oo horma ma sameneyo. Cabaasha wa ‘pointless’ – oo micnaha wa micno daro. Qofka in uu ka cabaadi la haa waxa uga roon in uu khaldkiisa khirto – oo iska saxo – oo hore u socdo.

Sifada 6aad: Khalad kood aye qirtaan

Qofka mas’uulka ah haduu khalad ka dhaco – khalad kiisa isku markii wu qirtaa, ma inkiro, dabadeed ne wu is saxaa.

Sifada 7aad: Edeb ayee layihiin

Qofka mas’uulka ah wa qofk edeb badan, oo anshaxeesan. Hadii eey rabaan noloshood wax ka bedilaan – isku markii sida wey sameyaan. Wax kasto oo niyadaada gashatid; ama maskaxdaada geliso – waad qabi kartaa.

Sifada 8aad: Howshooda dib uma dhigaan

Qofka mas’uulka ah – howshiisa dib uma dhigo. Qofka mas’uulka ah – shayga oo muhiim u ah dib uma dhigo, isku markii ayuu qabtaa. Qofka mas’uulka ah wuxu is baraa in uu noloshadiisa sii deg deg ah isku bedilo wax yaabaha faa’ido san laheen oo iska daayo; oo ruxiisa horma is gaarsiiyo.

Sifada 9aad: Jimicsi wacan ayee sameyaan

Qofka mas’uulka ah cafimaad kiisa/keeda ayuu ka fikiraa; raashin wacan oo cafimaad leh ayu cuna; jimicsi ayu sameeyaa.

Sifada 10aad: Subaxdii ayee aye ka faa’idestaan

Qofka mas’uulka ah subaxdii ayu qabtaa howsha ugu muhiimsan. Maxa yeeley qofka maskadiisa ayuu ugu fahan badanyahay subaxdii. Marka waxyaabaha oo muhiimka ah oo dhan subixii ayuu sameyneyya sii naftiisa isku faa’ideeyo oo hormar is gaarsiiyo.

Gabagabeyn

Sifooyinkaan oo qoraalkaan ku xusnay waa mid qofka hormar gaarsiiya oo qofka ka dhiga mid madax furan, waay arag iyo aqoon dooni. Qofka waa in u dadaalo maalink kasta, waqti kasta sidii ruuxiisa u faa’ideey lahaa oo is wanaaji lahaa. Bin’aadan kasto khalad waa ka dhacaa; laakin qofka waxa laga rabaa in khaladkiis khirto oo iska saxo, oo khibir iyo mada adeeg la imaanin. Qofka jaahilka ah oo madaxiisa isticmaalin cudur daar badan ayuu la imaadaa; ruxiisa ayuu been usheegaa; naftiisa ma isku faa’ido; dedka kale ne uma faa’ido. Marka sifooyinkaan ku dhaqan; fuli; isticmaal; noloshaada wax ka bedil; dedka kale haa yesin; qof kasto meel ayuu khaldanyahay.

Leave a Reply

Mas'uulnimada 14

Who is SomaliBusiness.info

Waa Maxay SomaliBusiness, Qaab nooce ah ayay kaga cawin karta inu koro ganacsigaagu? Qorshaha SomaliBusiness.Info waxa uu yahay in uu dhiiri galiyo gacansatada Somaliyeed meel

Read More »
Mas'uulnimada 15

Mas’uulnimada

Sifooyinka qofka mas’uul nimada ku dhereeya Hordhac Markii aad arakto ereyga “Mas’uulnimda” – wuxuu qofka ku fikireyya in qofka mas’uulnimada la yimaado uu yahay qof

Read More »
Mas'uulnimada 16

Dhaqaalaha-Somaaliya

Dhaqaalaha Soomaaliya ee Maanta Inkastoo aanay jirin hab dawladeed sax ah oo si fiican u shaqaynaya,hadana soomaaliya waxay joogtaysay dhaqaalaha aan rasmiga ahayn ee kasoo

Read More »

nagu so biir!

Ka mid noqo dedka ugu horeeya OO Blog-keena arka. 

Naga Mid Noqo (Join Us)