MAXAY DOWLADDA SOOMAALIYA UBAAHANTAHAY SI AY DHAQAALAHA KOR UGU QAADO?
Soomaaliya oo ah dal kheyraadka dabiiciga hodan ku ah ayaa si wanaagsan oga faa’iideysanin galladaha Eebe kumananaystay. Tani ayaa loo aaneynayaa arimo badan, lakin arinta xusida mudan ayaa ah maxaa dowladda looga bahanyahay si dalkan faqriga aafeystay loo samata bixiyo dhaqaalihiisana kor loogu qaado. 5 qodob oo muhiim ah ayaa ku eegeynaa arrimaha looga fadhiyo dowladda:
- In heshiisyo lagasho shirkadaha ajaanibta ee qoda shidaalka. Ka faa’iidesiga qeeyraadka waa muhiim in dal walboo dunidan uu ka faa’idesto qeyradkiisa gaar ka ah uu Eebbe ku maneystay. Baaritaano lasameyay burburkii kahor ayaa la helay ceelal badan oo ku ceegaagan saliidda qeyriinka ah, macdan iyo batrol aad u tira badan. Dhoofitaanka ama suuq-geynta saliidda ayaa wadanka soo galin karta dhaqaalo xoog leh. Tani waxay xoojineysaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, sidaa darated wadanka waxa uu ka maarmi karaa kutiirsanaanta kaalmada ay siiyaan dowladaha shisheeye ee saaxiibka dhow la ah.
Shirkado badan oo ka soo jeedo dowladaha hormaray ayaa tartan ugu jiro sidii ay shidaal oga soo saari lahaayen dalka Somaaliya. Wan ku bogaadinayaa dowladda Soomaaliya in ay dardar galiso heshiisyaday lagaleso shirkadahan ubahan in ay shidaalka qodaan, waxaan aminsanahay hadii arintan ay hirgasho wadankeena inuu noqonayo barwaaqo sooran uuna kamid noqonayo wadamada ugu qanisan dunida. Dalalka aadka u hormaray dunidan casriga ah waxa ay xooga sareen wax soo saarka dhinaca qeyraadka dabiiciga ah sida macdanta, saliidda iyo batrolka.
Tiknolojiyadda aduunka manta ad bey uhormartay, macluumaad badan oo laga haayo saliidda iyo shidaalka soomaaliya tan iyo dowladdii dhexe ayaa fududeen karto in si fudud lagu saaro shidaalka Soomaaliya. Dabcan dowladda Federalka Soomaaliya dadaal wey suubisay , shirarka kala duwana wey qabatay quseeyo arimaha shidaalka lakin micna masuubineyso shirar laqabto oo kaliya , dowladda wa ineey la timaadaa qorsha cad iyo ficil si aan ugaarno hiigsigeena ah in shaqsi walbo oo Soomaaliyeed uu ku noolaado nolal sacaado leh, nolal ka fog faqriga iyo macluusha.
- Kor uqaadida waxsoosarka warshadaha: samaynta alaabta kala duwan waxey ballaarisaa ganacsiga. Soomaalida oo ah xoolaley iyo qaar beeraley ah ayaa xoolahooda iyo dalagooda suuq uhelaya. Tani waxay keeneysa in layareeyo shaqo la’aanta baahsan lagana baxo faqriga. Hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha tusaale warshadaha wax soosara ayaa udub-dhexaad u ah kobcinta dhaqaalaha iyo hormarinta arrimaha bulshada.
Faa’iidooyinka laga dhaxlo warshadaha wax soo saaro oo la hormariyo ayaa u horseedo wadan dhaqaala ahaan in uu hormaro . Faai’iidoyinka waxaa kamid ah;
-Dalka waxa uu kamid noqonayaa quwadaha dunida ogu sareeyo. Wadamada ogu awooda sareeyo dunida ( VETO Powers) waa kuwa ogu badan dhinaca wax soo saarka dunida , waxa ay leyihin warshado heer caalami ah oo ka howl galo dunida daafaheeda.Cilmi baaris la suubiyay ayaa lagu ogaaday, boqolkiiba 80 ( 80%) wax soo saarka dunida in ay maamulaan wadama ogu quwada badan dunida. Waa muhiim dowladda iney hormariso warshadaha si wax soo saarka wadanka kor ugu kaco.
-Shaqo abuur; warshadaha wax soo saaro waxa ay shaqo abuur usameyaan dadka degaanka siiba dhalinyarada tasoo kadhigeyso in nolasha dad badan oo shaqa la’aan ahaa ay is badasho. Waa xiligii dowladda Soomaaliya fadhiga kakici laheed, warshadahana hormarin laheed si loo gaaro barwaaqo loona helo bulsho amo shacab badankeedu ku nool heerka dhaqaalaha ee dabaqada dhexe.
- Kaalmada ay dowladda hesho oo lagu xoojiyo dhaqaalaha-dowlado badan ayaa lacag tiro badan ugu deeqa dowladda soomaliya , marka ay jiraan arrimo bini’aadanimo Inta badan lacagtaan ayaa loo weeciyaa meelo kale ama ay gashaa jeebka shaqsiyaad gaar ah. Waxaa habbon in lacagtan si hufan loo maareeyo laguna kabo ilaha dhaqaalaha dalka. Waa in lagu dhisaa waddooyin , gagida diyaaradaha, garoomada kubadda iyo dakadaha. Waa in dowladda ay la dagaalantaa musuq-maasuqa, sababtoo ah musuq-maasuqa waa dilaa ,waa cadowga hormarka, waa feyruus jabiya halbowlaha daqliga wadanka,wadan walboo musuqa uu kubadanyahay wuu ragaadiyaa dib-udhac ayuu ku ridaa, marka dowladda Soomaaliya wa ineey xooga saarta la dagaalanka musuq-maasuqa, hormarinta sharciga iyo cadaaladda si dhaqaalaha oga badbaado inuu gacanta ugalo shaqsiyaad gaar ah.
- Shaqo abuurka: dalka waxaa ka jira shaqa la’aan baahsan. Arritan ayaa keentay caqabado badan. Dhaliyaradan camal la’aanta ah ayaa ka qeeb qaata falal lid ku ah amniga iyo xasilintaanka dalka ama waxay ku dhaqaaqaan xumaan kasoo horjeeda dhaqanka bulshada. Haddii shaqo abuuris wanaagsan loosameeyo, dhalinyaradan waxay ka qeyb qaadanayaan wax soosarka iyo koboca dhaqaalaha dalka. Inta badan dhalinyarada shaqo la’aanta ah ayaa waxaa kafaa’iideesta dad daneestayaal ah, ha ahaadeen kuwa dalka jooga ama wadamada shisheeye wadanka faragalinta kucuryaamiyey. Sifudud ayey lacag usiiyaan dad danyar ah oo waxbo haysan kuwaasoo howlahooda iyo danahooda gaarka ufuliya. Shaqo abuur loo sameeyo gaar ahaan dhalinyarada waxay meesha kasaareysaa caqabadaha hortaagan dalka inuu nabad noqdo sida amni darada, qilaafka iyo xasilooni darada siyaasadeed ee kajirta dalka.
- Sinaanta iyo caddaaladda – Dowladda waa in go’aan adag kaqaadata oo ay cirib tirtaa qabyaaladda iyo heybsooca dhuuxa ka gashay bulshada Soomaalida.Waa in la simaa oo caddaalad uu helaa qofkasto oo Soomaali ah. Dadka laga tira badan yahay ama xirfadda leh ayaa dhacda in laga hor istaago ama loodiido shaqooyin ay xirfad uleeyihiin lana siiyo qof xirfadeeda leheen. Arrintan ayaa loosababeynayaa wax kaqabasho la’aanta iyo ayadoo la iska indho-tiray in wax lagaqabto dhibaatadan bulshada dhexdeeda musiibada kunoqotay.
Guud ahaan si dowladda Soomaaliyeed dhaqaalaha wadanka uxoojiso, waa in qodobada shanta ee aan kor kusoo xusnay tixgalisaa. Dhamaantood waa u muhiim dib usoo celinta dhaqaalaha dalka iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed iney gaarto bashbash iyo barwaaqo.
Warbixinada Hore ka Raac Halkan : –